Madaxweynaha Colombia oo dhaleeceeyay saxaafada aduunka

Image
Gustavo Petro ayaa sheegay in warbaahinta ay ka gaabisay tabinta xasuuqa ka soconaya Gaza.

DOOXA, Qadar - Madaxweynaha Colombia, Gustavo Petro, ayaa cambaareeyay aamusnaanta warbaahnta ee dagaalka Israel ee Gaza, isagoo ku adkeystay in xasuuq uu ka socdo Falastiin.

"Qof kasta oo difaacaya xasuuqan ama ka aamusa wajigiisa waxa uu baabi'iyay xaaladdooda bani'aadamnimo," Petro ayaa yiri Axaddii X.

"Waxay u egtahay in (wasiirka dacaayadaha Nazi-ga Joseph) Goebbels uu yahay kan hagaya warbaahinta adduunka si tobanaan kun oo saxafiyiin ah looga aamusiyo wejiga saaxiibadooda la dilay iyo 20,000 oo caruur ah oo bambaanooyinku jeexjeexeen," ayuu raaciyay.

Ugu yaraan saddex falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay markii ciidamada Israa’iil ay duqeeyeen iskuul ay gabaad ka dhiganayeen dad barakacayaal ah oo ku yaalla bartamaha Qaza subaxnimadii hore ee Axadda.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka Falastiin ee WAFA, ciidamada Israel ayaa beegsaday dabaqa sare ee dugsiga Khalid bin al-Walid ee magaalada Nuseirat.

Weerarka ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay dad kale oo badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM