Madaxweynaha Croatia oo Diiday inuu Aqbalo Danjiraha Cusub ee Israel

Image

ZAGREB — Madaxweynaha dalka Croatia, Zoran Milanovic, ayaa si kulul u diiday inuu ansixiyo safiirka cusub ee ay Israel u soo magacawday magaalada Zagreb. Madaxweynaha ayaa go'aankan u qaatay sababo la xiriira "siyaasadda ay ku kacayso xukuumadda hadda ka arrimisa Israel."

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha maalintii Isniinta ayaa lagu yiri: "Haddaba iyo mustaqbalkaba, safiirka loo soo jeediyay Dawladda Israel ma helayo, mana heli doono ogolaanshaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Zoran Milanović."

Madaxweyne Milanovic, oo si weyn u dhaleeceeya dagaalka naxariis-darrada ah ee Israel ay ka waddo Qaza, ayaa sheegay inuu horay uga gaabsaday inuu fagaarayaasha ka hadlo arrintan si loo dhowro hannaanka diblomaasiyadda.

Axdigii "aan qorneyn" ee diblomaasiyadda ayay Israel ku xad-gudubtay, ka dib markii ay si guud u shaacisay magaca safiirka ka hor inta aan la helin ogolaanshaha rasmiga ah ee dalka loo soo magacaabay.

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israel ayaa sheegtay inay la shaqaynayso dhiggooda dalka Croatia si "loo xalliyo arrinta la xiriirta maqaamka safiirka xiga ee Israel u fariisan doona Zagreb," sidii ay qortay jariidada The Times of Israel.

Xiisadda u dhaxaysa Croatia iyo Israel ayaa cirka isku sii shareeraysay tan iyo wixii ka dambeeyay duullaanka ciidanka Israel ay ku qaadeen Qaza iyo guud ahaan Bariga Dhexe.

Madaxweyne Milanovic wuxuu ku dhawaaqay in ciidamada qalabka sida ee Croatia aysan wax iskaashi ah la samayn doonin milatariga Israel, sababo la xiriira "falalkooda aan la aqbali karin iyo ku tumashada aan horay loo arag" ee sharciga caalamiga ah ee bini'aadantinimada.

Wuxuu sidoo kale cambaareeyay dagaalka ay Mareykanka iyo Israel qorsheynayeen inay ku qaadaan dalka Iiraan, isagoo ka digay in isku-dayga isbaddal-maamul oo laga sameeyo Tehraan uu horseedi karo "burbur dhaqaale" iyo cawaaqib xumo muddo dheer timaada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan: Wadahadalka lagu joojinayo dagaalka Mareykanka iyo Iran "waddadii saxda ahayd" ayuu ku socdaa

Sharif ayaa si gaar ah u ammaanay doorka muhiimka ah ee uu ciyaaray Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Pakistan, Field Marshall Asim Munir.

  • Caalamka

    25-05-2026

  • 11:07AM

Iran iyo Mareykanka oo isku Adeegsanaya Dhacdooyin Taariikhi Ah Xilli Heshiis La Sugayo

Mareykanka ayaa ku adkeysanaya in Iran si buuxda u hakiso kobcinta uranium-ka…

  • Caalamka

    24-05-2026

  • 09:07PM