Madaxweynaha Falastiin oo sheegay in Xamaas ay matalin shacabka dalkaas

Image

QUDUS - Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa sheegay mar uu taleefoon kula hadlay madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro in "Siyaasadaha iyo ficilada Xamaas aysan matalin shacabka Falastiin."

Cabbaas waxa uu carabka ku adkeeyay "Diidmada dilka dadka rayidka ah ee labada dhinac, iyo baaqa ah in la sii daayo rayidka maxaabiista ah ee labada dhinac," sida ay sheegtay wakaaladda wararka Falastiin ee Wafa.

Intii lagu guda jiray wicitaanka, Cabbaas ayaa xaqiijiyay muhiimadda ay leeedahay in la raaco shuruucda caalamiga ah, in si nabad ah la isaga caabiyo cadawga, iyo inaan ku kacno falal siyaasadeed oojeexaya wadada aan ku gaari lahayn yoolalka qarankeena."

Dhankiisa, Madaxweynaha Venezuela ayaa xaqiijiyay in uu garab taagan yahay shacabka Falastiin si ay u soo celiyaan xuquuqdooda sharciga ah ee xorriyadda iyo madax-bannaanida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM