Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo Ka Walaacsan Xaaladda kacsan ee Madagascar

Image

PARIS – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa muujiyay walaac weyn oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Madagascar, hase yeeshee warka sheegaya in madaxweynaha dalkaasi lagu dhaqaajiyay kaalmo Faransiis ah si toos ah uma xaqiijin.

“Ma xaqiijinayo wax war ah maanta,” ayuu Macron u sheegay wariyeyaasha intii uu ka qaybgalayay shir caalami ah oo looga hadlayay xaaladda Gaza, isagoo intaa ku daray inuu xoogga saarayo saaxiibtinimada Faransiiska iyo dadka Malagasy.

Macron ayaa ka digay in burburka nidaamka dastuuriga ahi uu halis weyn gelin karo xasiloonida gudaha dalka iyo taageerada caalamiga ah, isagoo yiri, “Madagascar horey ayay tan u soo martay. Dhimashada ugu horreysa waxay dhacdaa dadka shacabka ah.”

Madaxweynaha Faransiiska ayaa amaanay dadaalka dhalinyarada Madagascar, isagoo ka digay in aan loo adeegsanin dano militari ama dano shisheeye oo kale.

“Waxaan ku ammaaneynaa, laakiin waa in aan la isticmaalin,” ayuu yiri Macron.

France ayaa si buuxda u taageereysa dadaallada Midowga Afrika iyo Ururka Horumarinta Koonfur Afrika (SADC) ee ku aaddan ilaalinta hay’adaha dimuqraadiga ah iyo soo celinta nidaamka.

“Faransiisku waa feejigan yahay,” ayuu Macron ku soo gabagabeeyay, “isla markaana waxa uu ka go’an yahay xasiloonida Madagascar.”

 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM