Madaxweynaha Faransiiska oo ka hadlay dib usoo celinta ciidamadiisa ee Niger

Image

NIAMEY - Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa xaqiijiyay in dib u soo celinta ciidamada Faransiiska ee dalka Niger ay ku dhici doonto oo kaliya codsi ka yimaada madaxweynihii xilka laga tuuray Maxamed Bazoum.

Waxa uu sheegay intii lagu guda jiray shir jaraa'id uu qabtay: "Haddii aan sameyno wax dib-u-dejin ah, waxaan ku sameyn doonaa oo kaliya codsi ka yimaada Madaxweyne Bazoum.

Hogaamiyayaasha afgambiga Niger ayaa ku eedeeyay Faransiiska inuu abaabulayo ciidamadiisa millatari ee ku sugan dhowr waddan oo deriska ah kuwaas oo dhaca Galbeedka Afrika si ay ugu diyaar garoobaan faragelin militari ay ku sameynayaan dalka Niger.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM