Madaxweynaha Iran: Dalalka Muslim-ka waa inay xiriirka u jaraan Israel

Image

Dooxa – Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa ugu baaqay waddamada Muslimiinta ah in ay xiriirka u jaraan Israel, isagoo ugu yeeray in la muujiyo midnimo iyo mowqif mideysan oo lagaga jawaabayo weerarrada Israel.

Pezeshkian ayaa maanta ka ambabaxay Tehran kuna sii jeeday magaalada Doha ee dalka Qatar, halkaas oo uu ka dhacayo shir madaxeed ay isugu imanayaan hogaamiyeyaasha dunida Carabta iyo Muslimiinta.

“Waa suuragal in waddamada Islaamka ay xiriirka u jaraan nidaamkan been abuurka ah (Israel), si ay u ilaashadaan midnimadooda iyo wadajirkooda intii karaankooda ah.”

Baaqan ayaa yimid iyadoo Qatar ay martigelineyso hoggaamiyeyaasha Carabta iyo Muslimiinta si ay uga arrinsadaan weerarkii Israel ay todobaadkii hore ku qaaday caasimadda Falastiiniyiinta ee Gaza, lagana soo saaro mowqif mideysan oo dhanka diblomaasiyadda iyo ficilka ah.

Waxaa la filayaa in shirka Dooxa lagu gaaro go’aamo dhab ah oo lagula xisaabtamo Israel. Iran ayaa dagaal la gashay Israel June 2025, waxayna u dhigtay cashar lama illoobaan ah maamulka Netanyahu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM

Trump oo hakiyay duqeymihii Mareykanka ee Iran si fursad loo siiyo wada-hadallada

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmi doono Trump.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 11:31AM