Madaxweynaha Israa'iil oo waayay xiriirkii uu la lahaa wiilkiisa oo ku sugan Qasa

Image

QASA (GO) - Xaaska Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa shaaca ka qaaday in go’ay xiriirka kala dhaxeeyay wiilkeeda ee ka dagaalamaya gudaha marinka Qasa.

Michelle Herzog ayaa u sheegtay warbaahinta Israa'iil in mid ka mid ah wiilasheeda uu ka mid ahaa askarta Israa'iil ee loogu baaqay in ay ku biiraan dagaalka dhulka ee Qasa..

"Wax xiriir ah oo aan la yeelanay ma jirin in muddo ah, laakiin wali rajo ayaan leennahay" ayay raacisay.

Xaaska madaxweynaha ma aysan caddeyn saddexda wiil ay dhashay midka uu yahay kan ku sugan Qasa.

Israa'iil ayaa ku dhawaaqday in in ka badan 40 ka mid ah askarteeda ay ku dhinteen gudaha Qasa, tan iyo markii uu billowday howlgalka dhulka ah ay ka fulinayso Qasa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM