Madaxweynaha Jabuti oo ka hadlay eedaynta mucaaradka

Image

17 December, 2015(GO)-Madaxweynaha dalka Jabuti Ismacil Cumar Geelle ayaa ka hadlay eedaymo uga yimi mucaaradka waddankaasi oo ku sifeeyay kaligii talis aan dimuqraadiyad u ogolayn shacabka iyo waddankaba.

Ismacil Cumar oo la hadlay BBC, ayaa sheegay mucaaradku inay dhaliin uun soo jeediyaan balse indhaha ka qarsanayaan hormarka dalkaasi gaaray.

‘’Haddii meesha ka kakac annaaa ku farsiinaya ujeedku tahay anigu ma yeelayo,waxaan doonaynaa innaan wadanka ka badbaadino qas”, Ayuu yiri Geelle.

Hogaamiyaha shaaciyay inuu xilka markii afraad u tartamayo, ayaa wax laga weydiiyay ajaanibta dalkaasi joogta iyo xeryaha millatari ee ku yaal, waxuuna sheegay inaysan dakhli badan ka helin balse danta laga leeyahay tahay qaabkii loo aqoonsanlahaa Jabuuti hormarkeeda iyo amniga.

Geelle ayaa sidoo kale xusay inuu doonayo hormarka waddanka in la ballaariyo isla markaana si siman ugu ganacsadaan muwaadiniinta Jabuuti iyo ajaanibta dalkaasi tagaya.

Hadalka Madaxweynaha Jabuuti ayaa ku soo beegmay maalmo uun kadib markii mucaaradka waddankaasi dhaliilo usoo jeediyeen Ismaciil Cumar Geelle oo sheegay inuu xilka u tartamayo markii 4-aad.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Duqeeyey 140 Bartilmaameed oo ku Yaalla Iran

Dhanka kale, Iiraan ayaa la sheegay inay jawaab ahaan weerarro ku qaaday Baxrayn, Qatar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

  • Caalamka

    13-07-2026

  • 09:44AM

Iiraan oo xirtay marin-biyoodka Hormuz, weerarna ku qaadey dalalka Khaliijka 

Iiraan oo sheegtay inay gantaallo iyo diyaarado ismiidaamin ah ku weerartay Jordan, Bahrain, Kuwait, Qatar iyo Cumaan.

  • Caalamka

    12-07-2026

  • 11:16AM