​Madaxweynaha Kenya oo gubay Foolal Maroodi iyo Wiyil

Image

NAIROBI- Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa fagaare ku yaalla magaalada Nairobi dab ku qabad siiyay, 105 tan oo Fool Maroodi ah iyo 1.35 tan oo Foolka Wiyisha ah, waxaana munaasabadda gubista kala qayb galay madaxweynayaal Afrikan ah, safiirro ka socda Qaramada Midoobay iyo hay'ado caalami ah.

Fool-maroodiga la gubay oo ah kii ugu badnaa ee la gubo ayaa u dhigma 65,000 oo maroodi, waxaana lagu qiimeeyay lacag dhan 15 Bilyan oo ah lacagta dalka Kenya.

Tallaabadan, ayaa Uhuru ku sheegay in lagu yaraynayo ugaarsiga xawayaanka iyo iibka sharci darrada ah, isagoo tilmaamay in xukuumaddiisu il gooni ah ku eegi doonto arrintan.

Xukuumaddaha gobolka iyo dhammaan beesha caalamka ayuu ka codsaday inay kala shaqeeyaan sidii looga hortagi lahaa masiibadan uu tilmaamay inay ku habsatay duur joogta, wuxuuna intaasi raaciyay in saddonkii sano ee u dambeysay hoos u dhacay tirada Maroodigii waddanka.

Foolasha Maroodiga iyo Wiyisha ayaa kamid ah meelaha lacagta ka sameeyaan dadka ugaarsada, halka dowladda Kenya dhaqaalo badan kasoo galo xayawaanka loo dalxiis tago.

GAROWEONLINE

Related Articles

Iran oo Duqeysay Safaaradda Mareykanka ee Riyadh

Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa sheegtay in laba drone ay ku dhaceen ama ku qarxeen…

  • Caalamka

    03-03-2026

  • 06:43AM

Iran oo Ku Dhawaaqday Xiritaanka Hormuz, Suuqyada Shidaalka oo Qalalaase WajahayaI’m

Maraakiibta waaweyn ee shidaalka iyo gaaska qaada ayaa halkaas ka dhoofa, badankoodna…

  • Caalamka

    02-03-2026

  • 10:18PM