Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed oo ka digay iskasashiga ka dhaxeeyo Ruushka & Kuuriyada Waqooyi

Image

SEOUL, Soomaaliya - Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay Axadii in Beesha caalamka ay tahay inay isugu yimaadaan ka wadahadalka iskaashiga milatari ee u dhexeeya Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi.

Walaaca laga qabo xiriirka Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa cirka isku sii shareeray tan iyo markii hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un uu gaaray dalka Ruushka todobaadkii hore oo uu kulan la qaatay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, waxaana uu booqday goobo badan oo caan ah oo dhanka militariga iyo teknolojiyadda ah.

"Iskaashiga milatari ee ka dhexeeya labada dal waa sharci darro iyo caddaalad darro sababtoo ah waxay ka hor imanaysaa qaraarada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo cunaqabatayn kale oo badan oo caalami ah," ayuu yiri Yoon.

Waxa uu intaasi ku daray in Beesha Caalamku ay si dhow u midoobi doontaa si looga jawaabo tillaabada noocaan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM