Madaxweynaha Mareykanka oo mar kale laga helay cudurka COVID-19

Image
Xanuunka lasoo darsay Joe Biden ayaa yimid xilli uu wajahayo cadaadis la xiriira da'diisa 85-sano jirka ah.

WASHINGTON, United States - Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa mar kale waxaa laga helay cudurka 'Covid-19' wuxuuna la ildaran yahay astaamo fudud, sidda uu sheegay Aqalka Cad.

Karine Jean-Pierre, oo ah xoghayntiisa warfaafinta, ayaa sheegtay in madaxweynaha Mareykanka la tallaalay. Laba jeer oo hore ayaa Biden looga helay safmareenka Covid.

Mr Biden, oo 81 jir ah, ayaa la arkay goor sii horeysay oo Arbaco ah isagoo taageerayaashiisa ku booqanaya Las Vegas oo ka hadlayay munaasabad. Waxa uu baajiyay khudbad uu ololaha doorashada habeen dambe jeedin lahaa.

Xanuunka ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu Joe Biden la kulmayo cadaadis isa soo taraya si uu dhinac uga dhaqaaqo tartanka madaxtinimada Mareykanka da'diisa awgeed.

Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warameysa in labada Hoggaamiye Aqlabiyadda Senete-ka Chuck Schumer iyo Hogamiyaha Aqlabiyadda Aqalka Hoose Hakeem Jefferies ay si gaar ah ula kulmeen Mr Biden.

Labadan hogaamiye siyaasadeed oo kawada tirsan xisbiga talada haya ee Dimuqraadiga ayaa walaac xooggan ka muujiyey in musharaxnimadiisa ay si xun u saameyn karto tartamada kale ee Aqalka iyo Senete-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM