Madaxweynaha Mareykanka oo mar kale laga helay cudurka COVID-19

Image
Xanuunka lasoo darsay Joe Biden ayaa yimid xilli uu wajahayo cadaadis la xiriira da'diisa 85-sano jirka ah.

WASHINGTON, United States - Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa mar kale waxaa laga helay cudurka 'Covid-19' wuxuuna la ildaran yahay astaamo fudud, sidda uu sheegay Aqalka Cad.

Karine Jean-Pierre, oo ah xoghayntiisa warfaafinta, ayaa sheegtay in madaxweynaha Mareykanka la tallaalay. Laba jeer oo hore ayaa Biden looga helay safmareenka Covid.

Mr Biden, oo 81 jir ah, ayaa la arkay goor sii horeysay oo Arbaco ah isagoo taageerayaashiisa ku booqanaya Las Vegas oo ka hadlayay munaasabad. Waxa uu baajiyay khudbad uu ololaha doorashada habeen dambe jeedin lahaa.

Xanuunka ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu Joe Biden la kulmayo cadaadis isa soo taraya si uu dhinac uga dhaqaaqo tartanka madaxtinimada Mareykanka da'diisa awgeed.

Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warameysa in labada Hoggaamiye Aqlabiyadda Senete-ka Chuck Schumer iyo Hogamiyaha Aqlabiyadda Aqalka Hoose Hakeem Jefferies ay si gaar ah ula kulmeen Mr Biden.

Labadan hogaamiye siyaasadeed oo kawada tirsan xisbiga talada haya ee Dimuqraadiga ayaa walaac xooggan ka muujiyey in musharaxnimadiisa ay si xun u saameyn karto tartamada kale ee Aqalka iyo Senete-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM