Madaxweynaha Somaliland oo qoraal u gudbiyey maxkamada sare

Image

10 August  (VOA)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa qoraal uu u gudbiyey maxkamadda sare ee Somaliland kaga codsaday inay fasiraad sharci ah ka bixiso laba go’aan oo is-diidan oo ay kala gaareen golaha guurtida iyo xisbiyada mucaaradka Somaliland, oo ku saabsanaa waqtiga doorashada xigta ee Somaliland.

Golaha Guurtida ayaa bishii April ee 2015 go’aamiyey in doorashada xigta ee Somaliland la qabto bisha April ee 2017-ka, ayada oo waqtiga madaxweyne Siilanayo uu ku ekaa 26-kii June ee 2015. Hase yeeshee, go’aankaas ayaa waxaa ku gacan seeray xisbiyada mucaaradka oo ku baaqay in doorasho la qabto bisha December ee 2016-ka.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ahna maxkamadda dastuuriga ah Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa idaacadda VOA-da u xaqiijiyey dalabka ka yimid madaxweyne SIilaanyo oo uu ku dalbanayo in maxkamadda sare ay caddeyso midka la raacayo labada go’aan ee is-diiddan, maadaama guurtida iyo xisbiyada mucaaradkaba cuskanayaan in go’aankoodu yahay midka sharciga ah.

Bishii May ee sanadkan ayaa sidoo kale wdaa-hadallo dhex maray xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka oo uu guddoominayey madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici waxaa saddexda xisbi ay ku heshiiyeen in kahor bisha December ee 2016 ay dhacaan doorashooyinka, islamarkaana madaxweynaha uu saxiixo heshiiska la gaaray. Si kastaba, waxaa mar kale arrintaas ku gacan seeray Guurtida oo ku adkeystay in go’aankooda yahay kan sharciga ee kama dambeysta ah.

Maxkamadda sare ayaa hadda looga fadhiyaa inay gaarto go’aanka kama dambeysta ah ee xilliga ay dhacayaan doorashooyinka guud ee Somaliland, waxaana xusid mudan in labad waqti ee la isku hayo ay u dhaxeeyaan afar bilood kaliya.

Xigasho:VOA

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM