Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Image

Washington — Madaxweynaha Suuriya, Axmed Al-Sharaa, ayaa Sabtidii shalay gaaray dalka Maraykanka si uu uga qayb galo kulammo rasmi ah, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee SANA.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Sharaa uu safarkiisa ku tagay Maraykanka kaddib markii uu 6-dii Nofeembar ka soo qeybgalay Shirka Cimilada Adduunka (COP30) ee lagu qabtay magaalada Belem, Brazil.

Madaxweynaha Suuriya ayaa la filayaa inuu 10-ka Nofeembar kulan rasmi ah kula yeesho Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump xarunta White House.

Booqashadan ayaa timid hal maalin kadib markii Washington ay ka saartay Al-Sharaa “liiska argagixisada,” tallaabo ay diblomaasiyiintu sheegeen in la filayay muddo dheer.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Tommy Pigott, ayaa sheegay in dowladdiisa Suuriya ay buuxisay qaar ka mid ah shuruudihii ay Washington hore u dejisay, kuwaas oo ay ku jiraan raadin iyo xog helid ku saabsan muwaadiniinta Mareykanka ee la la’yahay iyo baabi’inta hubka kiimikada ee haray.

“Waxaan tallaabooyinkan u qaadnay anagoo aqoonsanaya horumarka ay muujisay hoggaanka cusub ee Suuriya, kadib bixitaankii Bashar al-Assad iyo in ka badan 50 sano oo cadaadis iyo xukun adag ah oo uu jiray xilligii maamulkaas,” ayuu yiri Pigott.

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq, kaddib tobanaan sano oo xiriirkoodu ahaa mid go’an.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan: Wadahadalka lagu joojinayo dagaalka Mareykanka iyo Iran "waddadii saxda ahayd" ayuu ku socdaa

Sharif ayaa si gaar ah u ammaanay doorka muhiimka ah ee uu ciyaaray Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Pakistan, Field Marshall Asim Munir.

  • Caalamka

    25-05-2026

  • 11:07AM

Iran iyo Mareykanka oo isku Adeegsanaya Dhacdooyin Taariikhi Ah Xilli Heshiis La Sugayo

Mareykanka ayaa ku adkeysanaya in Iran si buuxda u hakiso kobcinta uranium-ka…

  • Caalamka

    24-05-2026

  • 09:07PM