Madaxweynaha Syria oo Ku Dhawaaqay Xukuumad Isku-Dhafan oo Cusub

Image

Madaxweynaha Syria oo Ku Dhawaaqay Xukuumad Isku-Dhafan oo Cusub

Madaxweynaha Syria, Ahmed al-Sharaa, ayaa ku dhawaaqay xukuumad isku-dhafan oo cusub, isagoo magacaabay 23 wasiir oo ka tirsan golaha wasiirrada cusub ee ballaaran iyo kuwa kala duwan.

Golaha wasiirrada oo la shaaciyey Sabtidii, ayaa waxaa ka mid ah Yarub Badr, oo ah Alawite, waxaana loo magacaabay wasiirka gaadiidka, halka Amgad Badr, oo ka tirsan bulshada Druze, uu hogaamin doono wasaaradda beeraha.

“Samaynta xukuumad cusub maanta waa ku dhawaaqista rabitaankeena wadajirka ah ee ah in aan dhisno dawlad cusub,” ayuu yidhi al-Sharaa oo ka hadlayey munaasabad lagu soo dhaweynayey samaynta xukuumadda.

Xukuumadda cusub ee Syria ma yeelan doonto ra’iisul wasaare, waxaana al-Sharaa lagu wadaa inuu hogaamiyo laanta fulinta ee dowladda.

Hogaamiyayaasha cusub ee Syria ayaa waxay wajahayeen cadaadis ka yimid Galbeedka iyo dalalka Carabta si ay u sameeyaan xukuumad ka turjumaysa isdhexgalka bulshada kala duwan ee dalka, oo ay ku jiraan kooxaha qowmiyadeed iyo diimeed ee kala duwan.

Cadaadiskaas ayaa sii xoogaystay kadib markii boqolaal rayid Alawite ah – oo ka tirsan sect-ka dhif iyo naadirka ah ee uu kasoo jeedo madaxweynihii la afgembiyey Bashar al-Assad – la laayey rabshadihii ka dhacay xeebaha galbeed ee Syria bishaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM