Madaxweynaha Syria oo Ku Dhawaaqay Xukuumad Isku-Dhafan oo Cusub

Image

Madaxweynaha Syria oo Ku Dhawaaqay Xukuumad Isku-Dhafan oo Cusub

Madaxweynaha Syria, Ahmed al-Sharaa, ayaa ku dhawaaqay xukuumad isku-dhafan oo cusub, isagoo magacaabay 23 wasiir oo ka tirsan golaha wasiirrada cusub ee ballaaran iyo kuwa kala duwan.

Golaha wasiirrada oo la shaaciyey Sabtidii, ayaa waxaa ka mid ah Yarub Badr, oo ah Alawite, waxaana loo magacaabay wasiirka gaadiidka, halka Amgad Badr, oo ka tirsan bulshada Druze, uu hogaamin doono wasaaradda beeraha.

“Samaynta xukuumad cusub maanta waa ku dhawaaqista rabitaankeena wadajirka ah ee ah in aan dhisno dawlad cusub,” ayuu yidhi al-Sharaa oo ka hadlayey munaasabad lagu soo dhaweynayey samaynta xukuumadda.

Xukuumadda cusub ee Syria ma yeelan doonto ra’iisul wasaare, waxaana al-Sharaa lagu wadaa inuu hogaamiyo laanta fulinta ee dowladda.

Hogaamiyayaasha cusub ee Syria ayaa waxay wajahayeen cadaadis ka yimid Galbeedka iyo dalalka Carabta si ay u sameeyaan xukuumad ka turjumaysa isdhexgalka bulshada kala duwan ee dalka, oo ay ku jiraan kooxaha qowmiyadeed iyo diimeed ee kala duwan.

Cadaadiskaas ayaa sii xoogaystay kadib markii boqolaal rayid Alawite ah – oo ka tirsan sect-ka dhif iyo naadirka ah ee uu kasoo jeedo madaxweynihii la afgembiyey Bashar al-Assad – la laayey rabshadihii ka dhacay xeebaha galbeed ee Syria bishaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo diiday wadahadal toos ah inay Mareykanka la gasho kadib Warqaddii Trump usoo diray

Dhanka kale, toddobaadyadii la soo dhaafay waxaa jiray farriimo is khilaafsan oo ka imaanayay Iran.

  • Caalamka

    31-03-2025

  • 11:56AM

Tatuu gacanta Xoghayaha Difaaca Mareykanka Ku Qoran “Kafir” oo Dhaliyay Dood Adag

Tatuugan ayaa markii ugu horreysay la arkay Arbacadii intii uu booqanayay saldhigga ciidamada ee Joint Base Pearl Harbor-Hickam ee gobolka Hawaii.

  • Caalamka

    29-03-2025

  • 07:23AM