Madaxweynaha Ukraine oo doonaya inuu la kulmo Putin

Image

KYIV, Ukraine - Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la kulmo Vladimir Putin si uu u ogaado "waxa uu doonayo madaxweynaha Ruushka" oo uu u raadiyo "xalin nabadeed", iyada oo ay sii kordhayaan walaaca laga qabo duulaanka soo socda.

Gelinka dambe ee Axadda, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa lagu wadaa inuu la kulmo Putin.

"Ma garanayo waxa madaxweynaha Ruushka uu doonayo, marka waxaan soo jeedinayaa kulan," Zelenskyy ayaa ka sheegay shirka amniga Munich, halkaas oo uu sidoo kale kula kulmay madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris Sabtidii.

Wuxuu intaas raaciyey: "Ukraine waxay sii wadi doontaa inay raacdo kaliya dariiqa dibloomaasiyadeed si loo helo heshiis nabadeed".

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa u yeeri doona Putin Axadda si uu isugu dayo in uu baajiyo waxa quwadaha reer galbeedka ay saadaalinayaan in uu noqon doono duullaan ku soo wajahan Ukraine.

Dadka rayidka ah ayaa laga daadgureeyay gobollada jiidda hore ee sii xoogaysanaya, halkaas oo Kyiv ay sheegtay Sabtidii laba ka mid ah askarteeda in ay ku dhinteen weerar, waa dhimashadii ugu horreysay ee iskahorimaadka muddo bil ka badan.

Rabshadaha bariga Ukraine ayaa sare u kacay maalmihii la soo dhaafay. Dagaalka ayaa si goos goos ah u socday muddo sanado ah kaas oo u dhexeeya ciidamada Ukraine iyo fallaagada uu Ruushka taageero balse xeerdheerayaasha ayaa sheegaya in iska hor imaadkaan uu keeni karo dagaal culus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM