Madaxweyne Erdogan oo booqanaya Masar iyo Saudia Arabia toddobaadkan

Image

Ankara – Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa booqan doona Sacuudi Carabiya Talaadada iyo Masar Arbacada, sida uu Isniintii sheegay Madaxa Isgaarsiinta ee dowladda Turkiga, Burhanettin Duran.

Erdogan ayaa ku kulmi doona Amirka Sacuudiga, Maxamed bin Salman magaalada Riyadh, si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga u dhaxeeya Turkiga iyo Sacuudi Carabiya, iyo sidoo kale arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah, ayuu Duran intaa ku daray.

Madaxweynaha Turkiga ayaa kadib u safri doona Qaahira Arbacada, casuumaad ka timid Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah el Sisi, si uu uga qeybqaato kulanka labaad ee Guddiga Iskaashiga Istiraatiijiyadeed ee Heer Sare ee Turkiga iyo Masar.

Inta uu joogayo Masar, Erdogan iyo Sisi waxaa la filayaa inay ka wada hadlaan arrimaha laba geesoodka ah, isla markaana isweydaarsadaan aragtiyaha ku saabsan horumarka gobolka iyo arrimaha caalamiga ah, iyadoo diiradda lagu saari doono gaar ahaan Falastiin, sida uu sheegay Duran.

Sidoo kale, Erdogan ayaa qorsheynaya inuu ka qayb galo Madasha Ganacsiga Turkiga iyo Masar inta uu joogayo Qaahira, ayuu intaa ku daray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM