Madaxweyne Geelle oo Xilka loo Dhaariyey

Image

Xaflad ka dhacday Aqalka Umadda ee dalka Djibouti ayaa maanta markii afraad loo caleemo saaray Xilka Madaxweynenimo, Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha dalka Djibouti oo dalkaas soo maamulayey 17-kii sano ee ugu dambeeyey. 

Xafladda Caleemo saarka Madaxweyne Geelle waxaa ka soo qayb galay madax kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame, Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan al-Bashiir iyo Madaxweyne ku xigeenka Yugaandha, dhinaca Soomaalida waxaa ka qayb galay xafladda Caleemo saarka Madaxweynaha Djibouti, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. 

Madaxweyne Geelle ayaa lagu dhaariyey martida horteeda wuxuuna ballan qaaday inuu ka shaqayn doono midnimada iyo wada jirka umadda Djibouti, isla markaana horumarin ku samaynayo noloshooda. Djibouti waxay ka mid tahay dalalka saxeexay heshiiska lagu dhisay maxkamadda ICC, taas oo raadinaysa in la xidho madaxweyne Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan al-Bashir, hase ahaatee Djibouti oo dalalka heshiiskaas saxeexay ka mida ayaan fulinin amarka maxkamadda, mana aha markii ugu horraysay ee uu ka qayb galo xafladda dhaarinta madaxweyne Geelle, sannadkii 2011 ayuu sidan oo kale uga qayb galay, xilligaas ka dibna maxkamadda ICC ayaa dacwad ka gudbisay dalka Djibouti oo ku aaddaana safarka Madaxweynaha Sudan. Musharaxiintii la tartamay madaxweyne Geelle doorashadii dhacday 8-dii bishii April ee 2016 ayaa iyagu ku gacansaydhay isla markaana ku tilmaamay inay tahay mid uu keligii is-caleemo saaray.

VOA

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM