Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka oo Qiray Qaladaad ay Dawladdiisu Gashay
Madaxweyne kuxigeenka Maraykanka JD Vance oo marti ku ahaa fadhiga Joe Rogan ayaa qiray dhaleecayn loo jeediyay maamulka Donald J. Trump oo ku aadanayd qaabkii loo baahiyay ama loo maamulay baahinta kiiskii faylasha Jeffrey Epstein. Vance ayaa sheegay in ay ku fashilmeen dhanka isgaarsiinta.
Maraykanka ayaa sannadkii hore marar kala duwan dib u dhigay baahinta faylasha Epstein oo ahaa dambiile lagu helay dambiyo la xidhiidha galmo, taas oo dhalisay cambaarayn ay xoogeeda lahaayeen labada xisbi ee siyaasadda Maraykanka.
Vance ayaa sheegay in ay muhiim ahayd in dhukumentiyada Epistein bilowgiiba la siidaayo hal mar, in la raajiyo oo sii dayntiisa waqti dambe ay ka dhigto Wasaaradda Caddaaladdu ayuu ku tilmaamay fashil isgaarsiin.
“Runtii waan ku fashilannay dhanka isgaarsiinta faylasha Epstein. Taasi waa run,” ayuu yiri Vance. Waxa uu hadalkiisa ku sii daray, “Laakiin ma aaminsani in sababta aan ugu fashilannay ay ahayd inaan wax qarinaynay. Maya.”
Baahinta faylasha Epstein ee fadeexadda dhaliyay waxaa sabab u ahayd kolkii xildhibaannada Maraykanku ay ansixiyeen tallaabo ku khasbaysa dawladda in ay siidayso dhukumentiyo tiro badan oo la xidhiidhaa kiiskaas. Kaddib ansixintaas bidhii Diiseenbar ayay Wasaaradda Caddaaladda Maraykanku bilowday inay sii dayso falal si weyn loo tafatiray oo noocyo kala duwan ka kooban.
Hase yeeshee, xogo badan oo aan lagu muujin dukumentiyadaas iyo ku guuldareysiga Wasaaradda Cadaaladda inay waqtigii loogu talagalay ku sii deyso faylasha oo dhammaystiran ayaa dhaliyay dhaleeceyn xooggan oo ka imanayay xildhibaannada iyo shacabka.
GAROWE ONLINE