Madaxweyne ku-xigeenka Maldives Island oo la xiray

Image

24 Octobar, 2015(GO)-Madaxweyne ku xigeenka Maldives Ahmed Adeeb ayaa la xiray ka dib xilli ka soo laabtay booqasho uu ku tagay dalka China, waxaana looga shakisanyahay ku lug lahaanshaha weerar lagu qaaday dooni oo la socday madaxweyne Gaymoon.

Madaxweynaha Maldives Yameen Abdul Gayoom ayaa la weeraray 28 September, xilli uu ka yimi garoonka diyaaradaha isaga iyo xaaskiisa.

Gaymoon, ayaa falkaasi ka bad baaday balse, waxaa dhaawac soo gaaray mid ka mid ah ilaaladiisa, waxaana weerarka ka dib socday baaritaano lagu raadinayo cidda ka dambaysa, iyadoo lagu tuhmay ku xigeenkiisa.

Ku-xigeenka madaxweynaha ayaa lagu hayaa xabsi ku yaalla jasiirad ku taala Island.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM