Madaxweyne lala xiriiriyey wariye diyaarad lagala degay

Image
Image
Image

LONDON, Britain – Hogaamiyeyaasha qaar kamid ah dalalka qaaradda Yurub ayaa madaxweynaha waddanka Balarus waxay ku eedeeyeen "afduub" iyo "burcad-badeednimo" kadib markii diyaarad siday boqolaal rakaab lagu qasbay in ay si deg-deg ah kusoo caga-dhigato.

Madaxda ayaa ku baaqeysa cunaqabateyn dheeraad ah kana dhan ah dowladda Belarus oo la sheegay in ay diyaaradda ugu qasabtay in ay soo degto si ay ugala degto isla markaana xabsi u dhigto wariye mucaarad ah, Roman Protasevich.

Protasevich ayaa ka cararay Belarus kadib markii madaxwayne Alexander Lukashenko uu guul ka sheegtay doorashooyinkii lagu murmay ee qabsoomay August.

Diyaaradda qasabka lagu soo dejiyey – oo kasoo duushay Greece waxayna kusii jeeday Lithuania – ayaa ku jirtay hawada Belarus markii duuliyaha lagu wargeliyey khatar bambo oo been-abuur ah taasoo keentay in uu u weecdo Minsk, oo ah caasimadda iyo magaaladda ugu weyn ee waddanka Belarus.

Belarus ayaa diyaarad dagaal u dirty diyaaradda Ryanair si ay u soo galbiso, waxaana ay beenisay in ay qasabtay duulimaadka kuna adkeystay in shaqaalaha la siiyey "talosoojeedin".

Maamulka Lukashenko ayaa xusay inay diyaar u yahay in uu ogolaado in baareyaal caalami aa ay soo booqdaan. Balse, wasiirka arrimaha dibadda Ireland ayaa tibaaxay in xudunta afduubka ay diyaaradda uu salkeedu yahay "burcad-badeedka duulimaadyadaha ee dawladdu Belarus maalgeliso".

Wasiirka ayaa wuxuu rumeysan yahay diyaaradda saarnaayeen saraakiil sirdoon oo dhowr ah. Cambaareynta qafaalashadda waxaa wehliya dalabyo ku saabsan sii deynta Protasevich.

Dhanka kale, hogaamiyaha mucaaradka Belarusiya, Svetlana Tikhanovskaya oo dibad joog ah, ayaa sheegtay inay u baqeyso nolosheeda, iyaddoo intaas ku dartay in ay dooneyso in dunida ay kaalin ka geysato ka takhalusida taliska Lukashenko oo lumiyey taageeradda Caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM