Madaxweyne Siilanyo oo shaaciyey waqtiga doorashada Somaliland

Image

Sept 10, 2015 (GO)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay xilliga saxda ah ee doorashooshinka madaxtooyada iyo golaha wakiiladu ka dhici doonaan deegaanadda Somaliland.

Siilanyo ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku cadeeyey in 28/3/2017 ay qabsoomi doonto doorashooyinkii madaxweynaha iyo golaha Wakiillada.

Hoos ka Akhri Warmurtiyeedka:

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo sumadeedu JSL/M/XERM/249-3569/092015 ku cadeeyey xilliga Waqtiga rasmiga ah ee dalka looga dareeridoono doorashada Madaxtooyada iyo wakiilada.

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay:   Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay:   Qodobada 42aad iyo 83aad ee Dastuurka Somaliland;
Markuu Helay:    Qoraalka Guddida Doorashooyinka Qaranka ee summadiisu tahay GDQ/XK/444/2015 ee ku taariikhaysan 08/09/2015, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Wakhtiga Doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ee 28/03/2017;

Markuu Arkay:   Go’aanka Golaha Guurtida JSL ee lambarkiisu yahay GG/JSL/Go’aan Lambar 04/05/2015, kuna taariikhaysan 11/04/2015, ahna Go’aanka Muddo Kordhinta Xilka Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-Xigeenka iyo Goleyaasha Baarlamaanka (Wakiillada iyo Guurtida);

Markuu Arkay:   Faqradda 3aad ee Qaraarka Fasiraadda ah ee Maxkamadda Dastuuriga Jamhuuriyadda Somaliland ee ay summadiisu tahay MS/DD/02/2015 kuna taariikhaysan 18/08/2015;

Markuu Ku Qancay:    In baahi loo Qabo isla markaana ay lagama Maarmaan u tahay hannanka dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka in la cayimo Waqtiga Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland;

Wuxuu Soo Saaray; Xeerkan oo lagu go’aamiyey in taariikhdu markay tahay 28/03/2017 ay noqoto maalin doorasho oo ay qabsoonto Doorashada Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somalilan” ayaa lagu yidhi qoraal xafiiska madaxweynaha ka soo baxay oo uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxweynaha Axmed Saleebaan Dhuxul.

Si kastaba ha ahaatee, guddida doorashooyinka ayaa madaxweynaha u soo gudbiya waqtiga ay doorashadda qabanayaaan ka dibna Madaxweynuhu wuxuu ku dhawaaqay waqtiga loo soo gudbiyey, waxaana xilligan hore u cayimay golaha guurtidda oo ku saleeyey wakhtigii ay muddadda u kordhiyeen madaxweynaha iyo golaha Wakiiladda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo gaarey Qatar 

Sheekh Xamad bin Khaliifa Aal Thaani ayaa geeriyooday Axaddii, waxaana dowladda Qatar ku dhawaaqday afar maalmood oo baroordiiq qaran ah.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 01:45PM

Israa’iil oo shan sano xabsi ku xukuntay askari lagu helay inuu basaas u ahaa Iran

Mas’uuliyiinta Israa’iil ma shaacin aqoonsiga askariga ama faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xogta uu la wadaagay Iiraan.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 10:51AM