Madaxweyne Silaanyo oo la kulmey guddiga doorashada Somaliland

Image

HARGEYSA 29 Dec, 2015 (GO)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta kulan lagu dardar gelinayey hawsha diiwaangelinta codbixiya-yaasha Somaliland oo la filayo inay gobolka Togdheer ka bilaabato la qaatay komishanka doorashooyinka iyo hoggaanka saddexda xisbi ee mucaaradka ah.

Kulankan oo uu shir-guddoominayey madaxweyne Siilaanyo, isla-markaana ay wehelinayeen ku-xigeenkiisa, xubnaha gudiga diiwaangelinta, hoggaanka saddexda xisbi ee mucaaradka ah iyo waliba xubno kamid ah golaha wasiirrada, ayaa si weyn loogu lafo guray sidii loo hirgelin lahaa diiwaangelin ka wada qayb qaataan dhammaanba shacabka Somaliland,  waxana la isku xasuusiyey qiimaha ay diiwaangelintu u leedahay in doorasho xor ah ee dhacda.

Markii kulankaasi soo idlaaday, ayaa waxa saxaafadda la hadlay hoggaanka saddexda Xisbi mucaaradka ah ee goobta ku sugnaa iyo waliba guddoomiyaha guddida doorashooyinka, waxana ay sheegeen in la isla gartay xoojinta diiwaangelinta  qorshaysan inay bilaabanto horraanta bisha ugu horraysa sanadka soo socda ee 2016-ka.

“Waxanu xisbiyada qaranka iyo dawladda oo uu madaxweynuhu hoggaaminayaa kala tashanaynay inaanu isla qaadano in si mid ah loo midoobo diwaangelinta labada toddobaad ee ugu horreeya sanadka 2016 ka bilaabmi doonta gobolka Togdheer. Agabkii diwaangelinta lagu gelayey, goobihii, shaqaalihii iyo gaadiidkiiba wey dhan yihiin, wacyigelintiina waxa ay bilaabmi doontaa toddobaadka soo socda.” ayuu yiri Guddoomiyaha guddida komishanka Somaliland Md. Cabdiqaadir Iimaan warsame.

Axmed Muumin Seed, guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga mucaaridka ah ee waddani oo isaguna halkaasi ka hadlay, sheegay inay isla qaateen sidii ay wada jir uga shaqayn lahaayeen diiwaangelinta codbixiyayaasha.

Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi, “dhammaan waxa la isku raacay in diiwaangelintii la bilaabo, lagana bilaabo Todheer, axsaab ahaanna waanu ku wada qanacnay sida komishanku ay hawsha usoo qorsheeyeen iyo sida ay usoo tafo tireen, waana si cilmiyeysan.”

Doorashada madaxweynaha Somaliland iyo aqalka wakiilada oo muran markii hore muran keentey ayaa waxaa la go'aamiyey in la qabto sanadka 2017.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM