Madaxweyne Trump oo La Filayo Inuu Xilka Ka Qaado Lataliyihiisa Amniga Qaranka Michael Waltz

Image

GAROWE ONLINE – Wararka laga helayo warbaahinta Mareykanka, oo ay horkacayaan CBS News iyo suxufiga caanka ah Mark Halperin, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump qorsheynayo inuu shaqada ka eryo Lataliyihiisa Amniga Qaranka Michael Waltz iyo ku-xigeenkiisa Alex Wong.

Michael Waltz, oo horey xildhibaan uga soo noqday gobolka Florida, ayaa loo magacaabay xilkan bilowgii xukunka labaad ee Trump, 20-kii Janaayo. Xilka uu hayo ma u baahna ansixinta Senate-ka Mareykanka.

Sababta xil-ka-qaadista Waltz ayaa la sheegay inay salka ku hayso qalad dhanka isgaarsiinta ah, kadib markii si kama’ ah uu weriye ugu daray koox wadahadal ah oo lagu falanqeynayey qorshayaal weerar milatari oo Mareykanku la damacsanaa Yemen bishii Maarso. Weriye Jeffrey Goldberg, tifaftiraha guud ee jariidada The Atlantic, ayaa markii dambe faahfaahin buuxda ka qoray dhacdadaas, isagoo xitaa baahiyey sawirrada shaashadda ee wadahadalka Signal-ka.

Dhacdadan ayaa dhaleeceyn xooggan kala kulantay xisbiyada siyaasadeed, iyadoo Dimoqraadiyiintu ku tilmaameen inuu jiray maamul xumo ku saabsan xogaha xasaasiga ah ee amniga qaranka. Inkastoo qaar ka mid ah xisbiga Jamhuuriga ay muujiyeen walaac, maamulka Trump ayaa sheegay in macluumaadkaasi aanu ahayn mid sir ah, wuxuuna madaxweynuhu si joogto ah u difaacay Waltz.

“Michael Waltz wuu bartay casharkiisii, waana nin wanaagsan,” ayuu Trump u sheegay NBC News dabayaaqadii bishii Maarso.

Wararka weli waa soo kordhayaan, wixii faahfaahin ah ee soo kordha ayaannu dib idinkaga soo sheegi doonaa.

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM