Madaxweynihii dalka Zambia Michael Sata oo geeriyoodey

Image

October 30, 2014 (GO)- Madaxweynihii dalka Zambia Michael Sata ayaa ku geeriyoodey isbitaal ku yaalla magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska.

Sata oo 77 jir ahaa wuxuu in muddo ah la daalaa dhacayey xanuun aan noociisa la shaacin isagoo labadii todobaad ee u dambeeyey ku jirey isbitaalka King Edward VII.

Qaar kamid ah qaraabadiisa ayaa la joogey xiligii uu geeriyoonayey sida uu warbaahinta u sheegay Xoghayaha Golaha Wasiirrada Zambia Roland Msiska.

Xilka madaxweynaha Zambia waxaa si kumeel gaar ah usii hayn doona Guy Scott oo ahaa ku-xigeenkii Michael Sata.

Sida uu dhigayo dastuurka dalkaasi waa in doorashado dhacdo muddo sadex bilood gudahood ah si loosoo doorto madaxweynaha cusub ee dalka.

Michael Sata  wuxuu Zambia madaxweyne ka ahaa sadex sano isagoo ku guuleystey doorashadii madaxtinimada ee dhacday sanadkii 2011.

Meydka Sata saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in dib loogu soo celiyo caasimada Zambia ee Lusaka halkaasoo aas qaran loogu sameyn doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM