Madaxweynihii hore ee Barazil oo la xiray

Image

Booliska dalka Brazil waxa ay xireen madaxweynihii hore ee dalkaasi, Luiz Inacio Lula da Silva, taas oo qeyb ka ah baaritaan musuqmaasuq.

Dhowr gooboob oo asiga lala xiriirinaayay oo gurigiisa iyo Machadla Lula ay kamid yihiin, ayey booliska baareen. 

Baaritaannada waxa ay ku wajahan yihiin shirkad shidaal oo dowladda ay maamusho oo lagu magacaabo Petrobras.

Lula waxaa su’aalo laga weydiin doonaan eedaha ku saabsan inuu faa’iido ka helay laaluush uu ku qaatay nidaamka shirkadda. 

Saacado ka hor howlgalka, Machadka Lula waxa laga soo saaray war lagu sheegay in madaxweynihii hore uu diiday inuu wax qalad ah sameeyay. 

Lula da Silva waxa uu Brazil madaxweyne ka ahaa intii u dhexeysay 2003dii illaa 2011kii. 

Haweeneyda asiga badashay ee Dilma Rousseff, waxa ay ahaan jirtay madixii shaqaalaha ee maamulkiisa.

Xiigasho: BBC

Related Articles

Haweeney markii ugu horreysay Madax ka noqotay Hay'adda Sirdoonka UK 116 Sano Kadib

Metreweli waxay baratay cilmiga bulshada (anthropology) jaamacadda Cambridge, waxayna hore uga soo shaqeysay MI5.

  • Caalamka

    16-06-2025

  • 07:40AM

Reer Galbeedka oo raba inay Wadahadal Deg Deg ah la galaan Iran 

Marka laga hadlayo marinka Gaza, Wadephul wuxuu sheegay in xaaladda bani’aadamnimo ee halkaas ay tahay mid aan la aqbali karin.

  • Caalamka

    16-06-2025

  • 07:23AM