Magaca Soomaaliga Xildhibaanka ku dilay UK oo la shaaciyey

Image
Illo wareedyo oo si dhow ula socda baaritaanka ayaa intaas ku daray in Cali oo haysta dhalashadda UK

LONDON, UK – Soomaaliga mudanaha xisbiga muxaafidka ka tirsanaa Jimcadii asbuucaan ku dilay Ingiriiska waxaa lagu magacaabaa Cali Xarbi Cali, sida uu tabiyey telefishinka afka dheer ee Sky News oo soo xigtey illo wareedyo.

Illo wareedyo oo si dhow ula socda baaritaanka ayaa intaas ku daray in Cali oo haysta dhalashadda UK uu horey uga mid ahaa dadka kasoo muuqdey barnaamijka dhaqan-celinta dadka lagu tuhmay xagjirnimada.

Dhankiisa, wargeyska The Guardian ayaa daaha ka feeday in Cali uusan joogitaan badan ku lahayn goobaha dhaqan-celinta. Tani waxay la macno tahay in uu gacansaar aan daahfurneyn uu la lahaa kooxaha argagixisadda.

"La tuhunsanaha oo ah qofka ugu weyn ee calaamad su’aasha dulsaaran tahay waxaa uu xabsiga baaqi kusii ahaan doonaa illaa 22-ka October maadaama waaran aan ka helnay maxkamadda," ayuu yiri taliska booliska.

Booliska oo Cali gacanta ku dhigay ayaa horey u sheegay in ay aaminsan yihiin in ficilka Cali uu si toos ah ula xiriiro argagixisanimo. Hase ahaatee, illaa haatan ma jirto koox si rasmi ah dusha u saaratay mas'uuliyadan falkan.

Sir David Amess ayaa Jimcadii waxaa lagu dilay goob uu tallooyinka ka bixiyo kuna taala degaan doorashadiisa magaalada Leigh-on-Sea ee gobolka Essex.

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Britain oo war-saxaafadeed wadajir ah soo saarey ayaa tacsi u diray ehelka iyo taageereyaasha mudanaha. "Waxaan si tiiraanyo leh wanaag ugu rajeynayaan caruurtiisa," ayay raaciyeen.

David, oo 69 jir ah, wuxuu ahaa xildhibaan ilaa 1983 wuxuuna dhalay shan carruur ah. Waa xildhibaankii labaad ee xilka haya oo la dilo shantii sano ee la soo dhaafay. Jo Cox oo ka tirsaneyd xisbiga shaqaalaha ayaa la dilay 2016-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hal Sano Kadib Isku-daygii dilka Trump, Eedeysane Labaad oo Maxkamad Tagaya

Toddobaadkii hore, Routh ayaa maxkamad federaal ah ka hor sheegay inuu doonayo inuu iska eryo qareenadiisa uu dowladda ka helay.

  • Caalamka

    14-07-2025

  • 12:33PM

Trump Oo Ku Dhawaaqay Canshuuro Cusub Oo 30% Ah Ka Dhan Ah Midowga Yurub Iyo Mexico

Warqadda uu u diray Midowga Yurub ayuu Trump ku sheegay in khasaaraha ganacsi ee Maraykanka.

  • Caalamka

    12-07-2025

  • 01:30PM