Malaysia iyo Iiraan oo cambaareeyay hab-dhaqanka Reer Galbeedka

Image
Wadahadal khadka telefanka ah oo ay yeesheen Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian iyo Ra'iisul Wasaaraha Malasia Anwar Ibrahim ayay arrimahan uga hadleen.

LONDON, UK - Dowladaha Iran iyo Malaysia ayaa isku raacay in taageerada dhinaca hubka ee ay Mareykanka iyo dalalka kale ee reer galbeedku siiyaan Israel ay meesha ka saarayso sheegashadooda ku aaddan xuquuqda aadanaha.

Sidoo kale, dalalkan ayaa sheegay in talaabadan ay wiiqeyso dadaaladii lagu doonayey in xabadjoojin looga dhaqan geliyo GAZA.

Wadahadal khadka telefanka ah oo ay yeesheen Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian iyo Ra'iisul Wasaaraha Malasia Anwar Ibrahim ayay arrimahan  uga hadleen.

Labada dhinac ayaa sidoo kale waxay wada hadlayeen xaaladda gobolka ayey hoosta kaga xariiqeen in dalalka reer Galbeedku aysan raali ka ahayn xabad joojinta GAZA.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM

Maxay Guusha Ninka Muslim-ka ah ee noqday Duqa New York uga dhigan tahay Trump?

Tartanka ugu weyni wuxuu ahaa isaga iyo Andrew Cuomo, oo ahaa guddoomiyihii hore ee gobolka New York.

  • Caalamka

    05-11-2025

  • 08:01AM