Malaysia iyo Iiraan oo cambaareeyay hab-dhaqanka Reer Galbeedka

Image
Wadahadal khadka telefanka ah oo ay yeesheen Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian iyo Ra'iisul Wasaaraha Malasia Anwar Ibrahim ayay arrimahan uga hadleen.

LONDON, UK - Dowladaha Iran iyo Malaysia ayaa isku raacay in taageerada dhinaca hubka ee ay Mareykanka iyo dalalka kale ee reer galbeedku siiyaan Israel ay meesha ka saarayso sheegashadooda ku aaddan xuquuqda aadanaha.

Sidoo kale, dalalkan ayaa sheegay in talaabadan ay wiiqeyso dadaaladii lagu doonayey in xabadjoojin looga dhaqan geliyo GAZA.

Wadahadal khadka telefanka ah oo ay yeesheen Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian iyo Ra'iisul Wasaaraha Malasia Anwar Ibrahim ayay arrimahan  uga hadleen.

Labada dhinac ayaa sidoo kale waxay wada hadlayeen xaaladda gobolka ayey hoosta kaga xariiqeen in dalalka reer Galbeedku aysan raali ka ahayn xabad joojinta GAZA.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM