Maraykanka iyo Iiraan oo Maxaabiis is-dhaafsanaya

Image

WASHINGTON, Mareykanka - Wasiirkii Arimaha Dibada ee Maraykanka, Antonie Blinken ayaa jimcihii oo ku beegnayd 15 Sept saxiixay Amar uu Iiraan ugu fasaxayo dhaqaale gaaraya 6 Bilyan oo dollar kaasi oo uga xanibnaa dalka Kuuriyada Koonfureed.

Fasixida dhaqaalahan ayaa qeyb ka ah Heshiis Iiraan iyo Maraykanku ay isku dhaafsanayaan Maxaabiis shan ah Iyada oo dhinac kasta uu siidaynayo shan Maxbuus oo muwaadiniinta kan kale ah.

Dalka Qadar oo isagu Akoono dalkiisa ah lagu shubay 6 Bilyan ee Iiraan loo sii daayay ayaa dhex-dhexaadiye ka ah heshiiska.

Safiirka Iiraan ee Qadar, Xaamid Dahqaani ayaa sheegay in Heshiiska is-dhaafsiga maxaabiista ee dalkiisa iyo Mareykanka uu meel gebo-gebo ah Marayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM