Maraykanka Iyo Philippine oo bilaabay dhoolatuskii ugu waynaa

Image
Carbiskan milatari ayaa jawaab u ah dhaqdhaqaaqyadda milatariga waddanka Shiinaha.

WASHINGTON, USA - Dowladaha Maraykanka iyo Philippine ayaa bilaabay dhoolatuskii u waynaa ee ay abid wada sameeyaan iyaga oo ku soo bandhigaya badda Shiinaha ee koonfureed.

Dhoolatuskaan ayaa soconaya 17 maalmood waxaana uu dhamaan doona 28 April 2023 waxaana ka qayb qaadanaya 18 kun oo askari, sidda ay sheegeen saraakiil ciidan.

"Garab ka garab" ayaa loogu magac daray dhoolatuskaan iyada oo meelaha lagu samaynayo ay ku jirto jasiirada Luzon ee wadanka Philippine taasi oo 300 KM u jirta Taiwan.

Rasaas nool ayaa la adeegsan doonaa dhoolatuskaan iyada oo ay falanqeeyayaashu ku tilmaameen mid jawaab u ah dhaq-dhaqaaqyada milatariga dalka Shiinaha.

Shiinaha ayaa shalay waxa uu soo gebo-gabeeyay dhoolatus ciidan oo socday saddex bari oo uu ka sameeyay hareeraha Taiwan taasi oo ay cambaareeyeen dalalka galbeedka qaybtood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM