Maraykanka: Masaajid Hilib Doofaar lagu dhajiyay

Image

31 December, 2015(GO)-Hay’adda dambi baarista Mareykanka ee FBI-da ayaa shan kun oo dollar u yaboohday qofkii keena akhbaar hogaamin karta in lasoo xiro dadkii ka dambeeyey xeerta hilib doonfaar oo ceyriin ah oo lagu duubay gacanka laga qabto albaabka masjid ku yaalla magaalada Las Vegas ee gobolka Nevada.

Bayaan kasoo baxay, ayay FBI-da ku sheegtay in iyada iyo waaxda booliiska ee Las Vegas ay ficilkan ka dhanka ah masjidka Al-Tawxiid u baarayaan dambi naceyb ah.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay inay raadinayaan nin caddaan ah oo timo madow, islamarkaana xiran ookiyaal, oo kaamirada ay qabatay isaga oo hilibka doonfaarka ku dhejinaya albaabka masjidka 27-kii December.

Masjidka ayaa waqtigaas marnaa. Ma jirin cid lagu dhaawacay ama waxyeelo la gaarsiiyey masjidka, sida ay sheegtay FBI-da.

Horaantii bishan, ayaa madax doonfaar waxaa laga helay albaabka hore ee masjid ku yaalla magaalada Philadelphia ee gobolka Pennsylvani.

Golaha Xiriirka Islaamka Mareykanka ayaa sheegay in sanadkan la beegsaday 70 masajid iyo goobo diimeed oo Mareykanka ku yaalla.

Xigasho: VOA

Related Articles

MBS: Israel waxay ku riixaysaa Mareykanka inuu galo dagaalka Iran

Beesha caalamka ayaa ku baaqaysa in labada dhinac ay qaataan tallaabooyin lagu yareynayo xiisadda si looga fogaado dagaal ballaaran.

  • Caalamka

    15-06-2025

  • 07:26AM

Laba Xildhibaan iyo Xaasaskooda oo Lagu Toogtay dalka Mareykanka

Amar ah “guryaha ku nagaada” ayaa la soo saaray waaberigii hore ee Sabtida si loo ilaaliyo ammaanka shacabka.

  • Caalamka

    14-06-2025

  • 05:07PM