Maraykanka oo adkeynaya Ammaanka Garoomada

Image

09 November, 2015(GO)- Maraykanka ayaa dib u cusboonaysiinaya habka uu ula socdo ammaanka duulimaadyada caalamiga ah, ka dib markii ay soo baxeen wararka la xidhiidha in bam lagu qarxiyey diyaaraddii Ruushka ee ku burburtay gacanka Siinaay ee dalka Masar, halkaas oo ay ku dhinteen illaa 224 qof oo saarnaa.

Inkasta oo ay weli socdaan baadhitaan qoto dheer oo la xidhiidha sababta kelliftay inay burburto diyaaradda Ruushku ayaa haddana wararka hordhaca ahi sheegayaan suurta-galnimada in ururka ISIS uu yahay cidda masuulka ka ahayd burburka diyaaraddaas.

Cod ku hadlaya afka carabiga oo laga dhex helay isgaadhsiin la dhex galay ayaa muujinayey doorka ISIS ku leedahay weerarkaas.

Adam Schiff oo ka tirsan guddi hoosaadka Arrimaha Sirdoonka ee golaha Congresska ayaa u sheegay barnaamijka This Week ee ka baxa Telefiishanka ABC in ururka ISIS uu helay goldaloolooyin la xidhiidha dhinaca duulimaadyada caalamiga ah.

“Waxaa suuro gala in ISIS ay istuseen in habka ugu wanaagsan ee loo jebin karo xayndaabyada difaaca ee garoomada diyaaraduhu inay tahay in gudaha loo galo iyada oo taageero laga helayo cid ka shaqaysa. Haddii ay taasi dhacdona, ugu yaraan garoomo badan oo gobolka ku yaalla ayaa jira oo ay dhici karto inay leeyihiin goldaloolooyin wiiqi kara ammaanka” ayuu yidhi Adam Schiff.

Adam Schiff ayaa intaas ku daray in Duulimadyada caalamiga ah ee Maraykanka iyo Yurub ay halis badani soo foodsaarayso.

Maraykanka ayaa kor u qaaday baadhitaannada dhinaca ammaanka ee garoomada, halka Ruushka iyo Britain ay iyagu joojiyeen duulimaadyadii us ocday dalka Masar.

Xigasho: VOA

Related Articles

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM

Trump oo damaanad-qaaday amniga Ukraine Haddii Heshiis Nabadeed Laga Gasho Ruushka

Marka la eego arrimaha amniga, caawimo badan baa jiri doonta," ayuu Trump u sheegay warfidiyeenka.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 08:33AM