Maraykanka oo beeniyay in Ukraine ay ku lug leedahay weerarkii Moscow

Image
Madaxweyne Vladimir Putin ayaa ku eedeeyay Ukraine inay ku lug lahayd weerarkii Moscow.

Washington (GO) - Afhayeenka golaha ammaanka qaranka Mareykanka, Adrienne Watson ayaa sheegtay in kooxda Daacish oo kaliya ay mas’uul ka tahay weerarkii dhimashada badnaa ee Jimcihii ka dhacay Moscow, Ukrainena aysan ku lug lahayn weerarka.

Watson ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dowladda Mareykanka horaantii bishan ay Ruushka la wadaagtay xog ku saabsan weerar qorsheysan oo ka dhaci doona magaalada Moscow, waxayna sidoo kale soo saartay talo guud oo ku wajahan dadka Mareykanka ah ee ku sugan Ruushka 7-dii March.

Waxay intaas ku dartay, "Daacish oo keliya ayaa qaadaya mas'uuliyadda weerarkan.”

Dhanka kale, Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sabtidii sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu raadinayo habab uu eeda xasuuqii hoolka Moscow ugu wareejin lahaa Ukraine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM