Maraykanka oo beeniyay in Ukraine ay ku lug leedahay weerarkii Moscow

Image
Madaxweyne Vladimir Putin ayaa ku eedeeyay Ukraine inay ku lug lahayd weerarkii Moscow.

Washington (GO) - Afhayeenka golaha ammaanka qaranka Mareykanka, Adrienne Watson ayaa sheegtay in kooxda Daacish oo kaliya ay mas’uul ka tahay weerarkii dhimashada badnaa ee Jimcihii ka dhacay Moscow, Ukrainena aysan ku lug lahayn weerarka.

Watson ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dowladda Mareykanka horaantii bishan ay Ruushka la wadaagtay xog ku saabsan weerar qorsheysan oo ka dhaci doona magaalada Moscow, waxayna sidoo kale soo saartay talo guud oo ku wajahan dadka Mareykanka ah ee ku sugan Ruushka 7-dii March.

Waxay intaas ku dartay, "Daacish oo keliya ayaa qaadaya mas'uuliyadda weerarkan.”

Dhanka kale, Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sabtidii sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu raadinayo habab uu eeda xasuuqii hoolka Moscow ugu wareejin lahaa Ukraine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM