Maraykanka oo cambaareeyey dilka Peter Kassig

Image

November 17, 2014 (GO)- Dowladda Maraykanka ayaa si kulul u cambaaraysey dilka Peter Kassig oo ahaa nin u dhashay dalka Maraykanka kana shaqeynayey hawlaha samafalka, kaasoo kooxda Daacish (IS) ku dishey Syria.

Kooxda ayaa internetka soo dhigtey muuqaal muujinaya meydka ninkaas iyo tobaneeyo askari oo ka tirsan militeriga Syria iyadoo ku goodidey inay sidan oo kale u geli doonto dhammaan jawaasiista reer galbeedka waa sida ay hadalka u dhigeene.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa falkaas ku tilmaamay mid waxashnimo ah kana turjumaya cadownimada iyo araxan darrada kooxda IS.

"Cabdiraxmaan inuu inaka tago waxaa sabab u ahaa falka waxashnimada ah ee kooxdan argagixisada ah taasoo caalamku isku raacay inay bini aadamnimada liddi ku tahay" Obama ayaa yiri.

Dhanka kale urur maxalli ah oo xuquuqda aadanaha ee dalka Syria u ololeeya ayaa shaaciyey in shalay oo axad ahayd dagaalyahanada IS dil wadareed ka geysteen magaalada al-Raqqa kadib markii ay goob fageere ah ku toogteen 13 nin oo lagu soo eedeeyey inay si hoose ula shaqeynayeen maamulka Bashaar Al-asad.

Peter Kassing oo 26 jir ahaa wuxuu la baxay magaca Cabdulraxmaan kadib markii la sheegay inuu soo Islaamay. Sanadkii hore ayuu gacanta u galay kooxda IS xilli uu ku sugnaa gudaha dalka Syria.

Ma ahan markii ugu horeysey ee muwaadin u dhashay dalka Maraykanka lagu dilo Syria haseyeeshe bilo kahor ayey ahayd markii sidan oo kale kooxda IS u gowracdey labo weriye oo Maraykan ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM