Maraykanka oo cuna qabateyntii hubka ka qaadey Masar

Image

April 1, 2015 (GO)- Maraykanka ayaa shaaciyey inuu cunaqabateyntii dhanka hubka ka qaaddey dalka Masar islamarkaana u oggolaadey Dowladda Masar inay soo dhoofsato saanad militeri oo labo sano kahor ay iibsatey.

War-saxaafadeed shalay oo Talaado ahayd kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Barack Obama amarkan bixiyey.

Qoraalka waxaa sidoo kale lagu xusey in ujeedada tallaabadan loo qaaday tahay sidii loo ilaalin lahaa maslaxadda dowladda Maraykanka islamarkaana loo taageeri lahaa xasilloonida dalka Masar.

Saanadda militeri ee dowladda Masar loo ogolaadey inay lasoo degto ayaa isugu jirta labo iyo toban diyaaradood oo noocoodu yahay  F-16, labaatan gantaal oo ah nooca loo yaqaan Harpoon  iyo weliba qalabka lagu dayactiro taangiyada.

Maraykanka ayaa sannad walba siiya dalka Masar adduun lacageed oo gaaraya 1.5 bilyan oo doolar. Lacagtaas 1.3 bilyan oo kamid ah wuxuu si gaar ah maraykanku ugu taageeraa militeriga Masar halka 200 oo milyanna uu ku bixiyo kobcinta dhaqaalaha iyo dhiiri gelinta dimuqraadiyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM