Maraykanka oo dalbaday in la xiro saddexda xarun ee ugu waaweyn Nukliyeerka Iran

Image

GENEVA – Dawladda Maraykanka ayaa dalabaad adag hor dhigtay dalka Iiraan intii lagu jiray wareegii saddexaad ee wadahadalada nukliyeerka ee ka dhacay magaalada Geneva bishii Febraayo 2026, iyadoo cadaadis xooggan lagu saarayo Tehran si looga hortago xiisad milatari oo sii kororta.

Wararka ka imanaya kulamadaasi ayaa sheegaya in Washington ay si cad u dalbatay in Iiraan ay burburiso xarumaheeda waaweyn ee nukliyeerka, oo ay ku jiraan Fordow, Natanz iyo Isfahan, kuwaas oo loo arko laf-dhabarta barnaamijka nukliyeerka dalkaasi. Sidoo kale, Maraykanka ayaa doonaya in dhammaan uranium-ka la kobciyay laga saaro Iiraan oo lagu wareejiyo gacanta Maraykanka si joogto ah.

Dalabaadkan ayaa sidoo kale ku jira in heshiis kasta oo la gaaro uu noqdo mid joogto ah oo aan lahayn waqti uu ku eg yahay, si looga hortago in Iiraan mustaqbalka dib u bilowdo kobcinta nukliyeerka. Mas’uuliyiinta Maraykanka ayaa ku adkaystay siyaasadda loo yaqaan “eber kobcin”, taas oo u oggolaanaysa oo keliya isticmaalka heerar aad u hooseeya oo ku kooban arrimo caafimaad.

Dhanka kale, Iiraan ayaa si adag u diidday shuruudahaasi, iyadoo sheegtay inay yihiin kuwo ka hor imanaya madax-bannaanideeda iyo xuquuqdeeda isticmaalka tamarta nukliyeerka ee nabadda ah. Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi ayaa sheegay in aysan aqbali doonin wax dalab ah oo ku saabsan burburiXiisadda ayaa sii kordheysa, iyadoo Donald Trump uu horey uga digay in haddii wadahadaladu fashilmaannta xarumaha ama wareejinta uranium-ka.

Xiisadda ayaa sii kordheysa, iyadoo Donald Trump uu horey uga digay in haddii wadahadaladu fashilmaan, Maraykanku uusan ka waaban doonin inuu qaado tallaabo milatari. Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in Maraykanku kordhiyay joogitaanka ciidamadiisa ee Bariga Dhexe, arrintaas oo muujinaysa culayska siyaasadeed iyo midka milatari ee ku hareeraysan wadahadaladan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Giorgia Meloni iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadlay dhibaatada ka dhalatay xirnaanshaha Hormuz

Meloni ayaa booqashadan ku tagtay Qatar maalin Sabti ah, waana joogteeda labaad ee safar ay ku mareyso gobolka oo ka bilowday Sucuudiga.

  • Caalamka

    04-04-2026

  • 06:15PM

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM