Maraykanka oo heshiis hordhac ah isugu keenay Sacuudiga iyo Israa’iil

Image

WASHINGTON - Aqalka Cad ayaa sheegay in wadahadallada lagu doonayo in lagu wanaajiyo xiriirka u dhexeeya Israa’iil iyo Sacuudiga ay si wanaagsan u socdaan iyadoo la'isla gaatay “qaab-dhismeedka aasaasiga ah” ee heshiiska.

Wareysi uu siiyay suxufiyiinta ayuu afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka ee Aqalka Cad John Kirby ku sheegay: "Sida heshiis kasta oo adag, dhinac walba waa inuu tanaasul sameeyaa”.

Geesta kale, Wargeyska Al-Riyadh ee ka soo baxa Sacuudiga ayaa Sabtidii qoray in Sacuudiga uusan ku degdegi doonin xiriir uu la sameynayo Israa’iil.

Wargeysku waxa uu xaqiijiyey in qadiyadda Falastiin ay tahay udub dhexaadka siyaasadda Sucuudiga, maadaama ay safka hore kaga jiraan dalalka heer kasta ka taageera sida ay sheegeen.

Sidoo kale, waxay sheegtay in wada xaajoodka uu qaadan doono waqti dheer inta heshiis laga gaarayo qodobbada la isku heysto, waxaana laga yaabaa in ay qaadato waqti ka badan intii la filayay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM