Maraykanka oo Iiraan ka hor istaagay shir lagu qaban lahaa

Image
Maraykanka ayaa ku eedeeyay in Iiraan ay khal-khal ku hayso Maraakiibta biyaha Caalamiga ah.

WASHINGTON, USA - Afhayeen u hadlay Hay'adda Badaha Aduunyada ayaa sheegay in golahooda fulintu ay maalintii shalay ay ogolaadeen soo jeedin ka timid Maraykanka.

Soo jeedinta Maraykanka oo ay Ingiriiskuna kuna socdeen ayaa ku saabsanayd in laga laabto go'aan isla golahaan uu gaaray 2015 kaasi oo Iiraan u ogolaaday in ay marti-geliso shir arimaha Badaha looga hadli lahaa kaasi oo dhici lahaa bisha October ee inagu soo wajahan.

Maraykanka ayaa ku eedeeyay in Iiraan ay khal-khal ku hayso Maraakiibta biyaha Caalamiga ah isla markaana bishaan bilawgeedi ay isku dayday in ay qabsato markab shidaal oo dalkiisa laga leeyahay.

Golahan ayaa waxaa xubno ka ah 40 dowladood balse wuxuu go'aanku waji gabax ku noqonayaa Iiraan oo dadaal ku bixinaysay in uu dalkeeda ka qabsoomo shirkaani.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM