Maraykanka oo Israa’iil ka codsaday inay ay ku dhawaaqdo Xabbad-joojin

Image

QASA (GO) - Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Talaadadii sheegay in uu ka codsaday ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu in si ku meel gaar ah loo joojiyo dagaalka Qasa.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa mar sii horreysay sheegay in labada hoggaamiye ay ka wadahadleen suurtagalnimada in la joojiyo dagaallada ka socda Qasa iyo in la sii daayo maxaabiista.

Shabakadda Mareykanka ee “Axios” ayaa sheegtay in madaxweyne Biden uu ku wargeliyay Netanyahu in joojinta dagaalka saddex maalmood ay gacan ka geysan karto sii deynta qaar ka mid ah maxaabiista lagu haysto Qasa.

Sida ku cad soo jeedinta ay ka wada hadlayaan Maraykanka, Israel iyo Qatar, Xamaas waxay sii deyn doontaa maxaabiis tiradooda u dhaxaysa toban ilaa 15 qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM