Maraykanka oo Israel kasoo daadgureeyay shaqaale iyo qoysaskooda ka tirsan safaaradda 

Image

WASHINGTON — Dowladda Maraykanka ayaa Jimcihii daadgureysay 79 qof oo isugu jira shaqaalaha safaaradda iyo qoysaskooda kana tirsanaa safaaradda Maraykanka ee Israa’iil, xilli uu sii xoogeysanayo iska horimaadka u dhaxeeya Israa’iil iyo Iran, isla markaana ay kor u kacayaan tirada muwaadiniinta Maraykanka ee dalbanaya macluumaad ku saabsan sidii ay uga bixi lahaayeen Israa’iil ama Iran.

Sida lagu sheegay qoraal gudaha ah oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, duulimaad militari oo labaad oo toddobaadkan la xaqiijiyay ayaa ka baxay magaalada Tel Aviv isagoo ku wajahan magaalada Sofia ee dalka Bulgaria, halkaas oo rakaabka qaarkood ama dhammaantood laga sii raacin doono diyaarad khaas ah oo u socda Washington.

Dukumiintigaan, oo ay heshay wakaaladda wararka ee Associated Press, ayaa sidoo kale muujinaya in in ka badan 6,400 muwaadin Maraykan ah oo ku sugan Israa’iil ay kaliya maalintii Jimcaha ah buuxiyeen foom online ah oo lagu codsanayo in lagu wargeliyo haddii dowladda Maraykanku ay qabanayso duulimaadyo daadgurayn ah.

Sidoo kale, 3,265 qof oo dheeraad ah, qaar ka mid ahna laga yaabo inay sidoo kale foomka buuxiyeen, ayaa la xiriiray lambarka degdegga ah iyaga oo dalbanaya caawimaad.

Dowladda Maraykanka wali si rasmi ah ugama aysan dhawaaqin qorshe guud oo daadgurayn ballaaran ah, balse xogaha ayaa muujinaya koror weyn oo ku yimid baahida muwaadiniinta Maraykanka ee doonaya inay ka baxaan gobolka ay dagaalladu ka socdaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM