Maraykanka oo jaajuusay madaxda Faransiiska

Image

June 24, 2015 (GO)- Warbaahinta Faransiiska oo soo xiganeysa mareegta lagu baahiyo xogaha sirta ah ee WikiLeaks ayaa shaacisay in Hay'adda Sirdoonka Qaranka Maraykanka (NSA) intii u dhexeysey 2006-2012 ay jaajuustey saddex kamid ah madaxweyneyaasha dalka France, kuwasoo kala ah Jacques Chirac, Nicolas Sarkozy iyo Francois Hollande.

WikiLeaks ayaa warkan u cuskanaya xogo sirdoon iyo dukumiintiyo farsamo oo uu ka helay Hay'adda NSA, balse Dowladda Maraykanku ma xaqiijin in dukumiintiyadaasi yihiin kuwo saxan iyo in kale.

Mid kamid ah kaaliyeyaasha Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in Mr. Hollande isugu yeeri doono maanta oo Arbaco ah golaha sare ee gaashaan-dhigga, si uu arrintan ugala hadlo.

Xogta ay baahisey WikiLeaks waxaa lagu daabacay wargeys iyo website isla dalka France dhexdiisa laga qoro.

Francois Hollande, Barack Obama iyo Angela Merkel | shirkii ugu dambeeyey ee G7 

Maxay tahay xogta uu baahiyey WikiLeaks?

Dukumiintiyada sirta ah ee WikiLeaks baahiyey waxaa ku jira mid ku taariikheysan 2012, kaasoo ku saabsan cod laga duubay madaxweynaha xilligan haya hoggaanka dalka France, Francois Hollande, mar uu ka hadlayey suurtagalnimada in dalka Greece uu ka baxo wadamada ku bahoobay Ururka Eurozone.

Dukumiinti kale oo ku taariikhaysan 2011, ayaa xusaya in madaxweynihii hore ee Faracne, Nicolas Sarkozy isku dayey inuu dhex dhexaadiyo Israel iyo Palestine iyadoo aan Maraykanku wada-xaajoodkaas kaalin ku lahayn.

Maraykanka ayaa horay u jaajuusay madax badan oo Yurub ah, kuwaasoo ay kamid tahay haweenayda hoggaamisa dalka Germany ee Angela Merkel.

Sidoo kale hay'adda Sirdoonka Maraykanka NSA, ayaa sanadkii 2013 dhegeysatey telefoonnada madaxweyneyaasha Brazil iyo Mexico; Dilma Rousseff iyo Enrique Pena Nieto.

GAROWE OLNINE+ BBC 

Related Articles

Madaxweyne Trump oo Dalbadey Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize 

Aqalka Cad iyo Guddiga Abaalmarinta Nobel ee Norway ayaa ka gaabsaday in ay ka jawaabaan codsiyo warbaahinta ku saabsan warkan.

  • Caalamka

    18-08-2025

  • 06:16AM

Caasimadda dalka Yemen, Sanca ah oo La Duqeeyay - Fahfaahin

Dhinaca kale, Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa horey u qaaday weerarro cirka ah oo ka dhan ah Xuutiyiinta.

  • Caalamka

    17-08-2025

  • 05:46AM