Maraykanka oo ka hadlay duqeymihii ay Iran ka gaysatay Israa’iil

Image
Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa si kulul uga hadlay weerarka Iraan.

Washington (GO) - Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa soo saartay bayaan ay ku cadeyneyso mowqifkeeda ku aadan weerarkii ay xalay Iran ku qaaday bartilmaameedyo ku yaala gudaha Israa’iil.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa yiri, "Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Bariga Dhexe waxay 13-kii Abriil iska caabiyeen tobanaan gantaal iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo ku sii jeeday Israa'iil, kuwaas oo laga soo riday Iran, Ciraaq, Suuriya iyo Yemen."

Austin waxa uu ku daray bayaanka: ”Ciidankeenu waxa ay ku sugan yihiin meel ay ku difaacaan Maraykanka iyo saaxiibada gobolka, iyo si ay taageero dheeraad ah u siiyaan difaaca Israel, iyo wanaajinta xasiloonida gobolka.”

Waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay in dalkiisu uu cambaareynayo weerarradaas, isla markaana ugu baaqay Iran inay si degdeg ah u joojiso weerar kasta oo kale ayna dejiyaan Xiisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM