Maraykanka oo looga digay inuu xayiraad ku soo rogo aaladda TikTok

Image
Dowladda Shiinaha ayaa fariimo Culus u jeedisay Maraykanka ka dib hadallo ka soo yeeray Biden.

Washington (GO) - Shiinaha ayaa maanta uga digay Mareykanka in xayiraada la soo jeediyay in lagu soo rogo aalada TikTok ay saameyn taban ku yeellan dooonto Washington.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa yiri, "Inkasta oo Maraykanku aanu waligiis helin cadaymo muujinaya in TikTok ay khatar ku tahay amniga qaranka Maraykanka, haddana ma joojin caburinta TikTok,"

Iyadoo tartanka doorashada Mareykanka uu soo dhawaaday, waxaa isha lagu haaya masiirka aalada "Tik Tok" ee dalka Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa dhawaan ku dhawaaqay inuu saxiixi doono sharci ku qasbi doona shirkadda leh TikTok "ByteDance" inay iibiso saamiyada ay ku leedahay muddo 6 bilood gudahood.

Marakanka ayaa mamnuuci doona Isticmaalka TikTok hadii shirkada oo laga leeyahay Shiinaha aysan fulin go’aankaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM