Maraykanka oo markab gantaalo sida u diray Bariga Dhexe

Image
Talaabadan ayaa imaanaysa xilli Shiinaha uu heshiisiiyey Shiinaha iyo Iiraan.

WASHINGTON, USA - Ciidamada Badda ee Maraykanka ayaa waxay ku dhawaaqeen in ay u direen Biyaha bariga dhexe Markab ku shaqeeya tamarta Nuclear-ka kaasi oo sida gantaalo.

Markabkaan oo lagu magacaabo "USS Florida" ayaa sida 154 gantaalaha Badda dusheeda laga rido iyada oo ay gaaraan masaafo 2500 KM ah, sidda ay qortey saxaafadda.

Afhayeenka ciidamada Badda ee Maraykanka, Timothy Hawkins oo kasoo hor-muuqdey warbaahinta, ayaa shaaca ka dhigay in markabkaan uu Khamiistii gobalka soo galay.

"Khamiistii ayuu gobalka soo galay wuxuuna ka gudbayaa kanaalka Suez isaga oo guda galay hawlihiisa ka qayb qaadashada xoojinta amaanka biyahaasi muhiimka ah," ayuu tibaaxay

Tagista markabkaan ee Biyaha Bariga dhexe ayaa imaanaya xilli uu soo hagaagayo xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya Shiinaha iyo Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

China ayaa dhowaan waxa uu dhexdhexaadiyey Riyadh iyo Tehran taasoo khuburadda ka faaloota arrimaha gobolka ay ku tilmaameen "dharbaaxo weyn oo ku dhacdey Washington".

Maamulka madaxwayne Joe Biden oo feejignaan ka muuqato ayaa si taxadar leh usoo dhaweeyay heshiiska Iiraan iyo Sacuudiga waxaana uu kalsooni ka muujiyey in uu dhaqan-galo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad dagaal oo F-35C ah oo ku burburtay California, duuliyihiina si nabad ah uga badbaaday

Wali lama shaacin sababta keentay shilka, hase yeeshee baaritaan buuxa ayaa socda si loo ogaado wixii dhacay.

  • Caalamka

    31-07-2025

  • 04:43AM

Israel: Netanyahu Ka Badbaaday Isku Day Dil

Xiritaanka haweeneydan ayaa qeyb ka ah taxane ah isku dayo hore oo lagu fashiliyay in lagu dilo Netanyahu.

  • Caalamka

    23-07-2025

  • 01:43PM