Maraykanka oo safiir u magacaabay Somalia

Image

12 January, 2016(GO)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa magacaabay safiirka cusub ee Mareykanka u joogi doona dalka Soomaaliya.Qoraal oo lagu daabacay Website-ka Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in Stephen Michael Schwartz uu yaha safiirka dalka Maraykanka ee Somalia.

Shaqada loo magacaabay Stephen ayaa bilaaban doonta kadib marka uu ansixiyo aqalka senate-ka xukuumadda  USA.

Schwartz, ayaa kasoo shaqeeyey waaxda Arrimaha dibadda Mareykanka, ayaa iminka ah agaasimaha xafiiska waaxda arrimaha dibedda u qaabilsan arrimaha Australia, New Zealand, iyo jasiiradaha Pacific-ga, xilkan oo uu hayay tan iyo bishii August ee 2015.

Safiirka ayaa sidoo kale xilal shaqooyin uga soo qabtay maraykanka waddamado dhacay Galbeedka Africa.

May 5, 2015, ayaa Xoghaya Arrimaha Dibadda Maraykan booqasho ku tagay magalada Muqdishu isagoo kulan la yeeshay madaxda ugu sarraysa Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Rubio oo Qatar u tegay si uu uga shaqeeyo joojinta dagaalka Gaza

Rubio ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda Qatar si uu uga wada hadlo suuragalnimada xal nabadeed.

  • Caalamka

    16-09-2025

  • 09:41AM

Madaxweynaha Iran: Dalalka Muslim-ka waa inay xiriirka u jaraan Israel

Iran ayaa dagaal la gashay Israel June 2025, waxayna u dhigtay cashar lama illoobaan ah maamulka Netanyahu.

  • Caalamka

    15-09-2025

  • 09:18AM