​Maraykanka oo sheegtay dilka xubin katirsan Daacish

Image

Weerar ay fuliyeen diyaaradah dagaalka waddanka Maraykan ayaa lagu dilay xubin sare oo katirsan ururka Daacish ee ku sugan dalka Ciraaq, waxaan weerarkaasi fuliyay diyaaradaha dalkaasi ee aan duuliyaha wadan.

Ninka la dilay oo lagu magacaabo Jasim Khadijah, ayaa loo haystay kiisas la xiriira dilka askar Maraykan ah oo kooxdaasi dishay.

Jasim, ayaa Daacish u qaabilsanaa samaynta waxyaabaha dhaliya qaraxa, wuxuuna horay uga tirsanaa ciidamada dowladdii hore dalka Ciraaq.

Col.Steve Warren oo u hadlay ciidamada Maraykanka ee ku sugan Ciraaq ayaa sheegay in hogaamiyahaasi muddo dheer ay ku raad joogeen uu ku dhintay duqeynta diyaaradahooda.

Dilka ninkaasi ayaa kooxda daacish u dishay shan kamid ciidamadeeda Axadii shalay 03 04, 2016 magaalada Raqqa ee dalka Suuriaya kuwaasoo lagu eedeeyey inay ku lug lahaayeen shirqoolaka lagu dilay nin lagu magacaabo Abu Hija al-Tunisi oo Salaasadii lasoo dhaafay lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah.

Maaha markii ugu horaysay ee la dilo sarkaal sare oo katirsan kooxda Daacish, waxaana dalka Ciraaq ku sugan ciidamo

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM