Maraykanka oo Veto Ku Hor Istaagay Qaraar Xabbad-joojinta Gaza lagu Dalbanayey

Image

NEW YORK - Maraykanka ayaa isticmaalay codka vetada si uu u hor istaago qaraar uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku dalbanayey xabbad-joojin degdeg ah oo rasmi ah oo laga hirgeliyo Marinka Gaza, iyo in la sii daayo dadka la haysto.

Qaraarkan ayaa helay taageerada 14-ka dal ee kale ee Golaha Ammaanka, balse Maraykanku ayaa diiday, isagoo sheegay in qaraarku aanu si cad u cambaareynin Xamaas, isla markaana uusan aqoonsan xaqa Israa’iil ay u leedahay inay is difaacdo.

Morgan Ortagus, oo ka tirsan wafdiga Maraykanka ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay:
“Qaraarkani wuxuu isku barbar dhig khaldan ka dhigayaa Israa’iil iyo Xamaas. Lama barbardhigi karo labadooda. Dadka la haystana waxa lagu xusay si aan mudnaan lahayn. Maraykanku arrintan marnaba ma aqbali doono.”

Go’aankan ayaa yimid maalmo uun ka hor shir sanadle ah oo ay isugu imaanayaan hoggaamiyeyaasha caalamka ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Waxaa la filayaa in dalal ay ka mid yihiin UK iyo Faransiiska ay halkaas ku aqoonsadaan dowlad madax-bannaan oo Falastiin ah — tallaabo ay si adag uga soo horjeedaan Israa’iil iyo Maraykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM