Maraykanka: Tirada dadka la la’yahay ka dib dhacdadii Buundada Baltimore oo la shaaciyay

Image

Baltimore (GO) - Buundada Francis Scott Key ee magaalada Baltimore ee dalka Mareykanka ayaa burburtay, ka dib markii ay isku dhaceen markab weyn oo Konteenar siday, sida ay sheegtay hay’adda gaadiidka ee Maryland.

Afhayeen u hadlay waaxda dab damiska ee magaalada Baltimore ayaa sheegay in abaaro 01:30 subaxnimo ay duntay buundada wayn ee ku taala wabiga Patapsco, iyadoo kamarada ilaalada ay muujinayeen markab xamuul uu ku dhacayo mid ka mid ah tiirarka buundada, taasoo keentay inay burburto.

Waxaa la rumeysan yahay in ugu yaraan 20 qof ay ku dhaceen wabiga, sida laga soo xigtay hadal uu jeediyay madaxa isgaarsiinta ee Waaxda Dabdamiska Magaalada Baltimore.

Madaxa dab damiska Baltimore James Wallace ayaa sheegay in laba qof laga soo badbaadiyay wabiga, oo mid ka mid ah uu xaaladiisu halis tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM