Mareega Baarlamaanka Lubnaan oo la jabsaday

Image
Horay waxaa loo jabsaday shaashadaha Garoonka ciyaaraha ee Beyruut.

Bayruut (GO) - Warbaahinta maxalliga ah ee dowladda Lubnaan ayaa xaqiijiyay in mareega Baarlamaanka Lubnaan ay jabsadeen maanta koox aan heybtooda la garanayn.

Waaxda Warbaahinta ee Baarlamaanka Lubnaan ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku tiri: “Kadib markii la isku dayey in la jabsado mareegta Baaralmaanka, waxa xayirnay shaqda mareegga inta arrintan laga xallinaayo.”

Horay waxaa loo jabsaday shaashadaha Garoonka ciyaaraha ee Beyruut, waxaana lagu soo bandhigay fariin ka dhan ah Xisbullah, halka kooxda jabsatayna ay sheegeen in ay ka tirsan yihiin koox isku magacawday “Junuud Al-Rab”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM