Mareykanka: Israa'iil waxaa kusoo socda weerar Iran oo ka wayn midkii hore

Image

WASHINGTON - Sirdoonka Mareykanka ayaa ogaadey in Iran ay qorsheynayso weerar ka wayn midkii April inay ku qaado Israa'iil waqti dhaw, iyadoo adeegsan karta gantaallada Balaastikadda ah.

Mareykanka ayaa arkay calaamado muujinaya in Iran ay isku diyaarineyso inay "si degdeg ah" ku weerarto Israa'iil gantaalaha ballistic-ga ah iyadoo ka jawaabaysa duulaanka dhulka ee Israa'iil ee koonfurta Lubnaan, sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad ayaa u sheegay NBC News Maanta.

Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa ka digay in weerar kasta oo toos ah oo ay Iiraan ku qaado Israa’iil “in uu cawaaqib xun u geysan doono Iran.”

"Waxaan ku jirnaa diyaargarow si aan uga difaacno Israel weerarka," ayuu yiri sarkaalka.

Safaaradda Mareykanka ee Quddus waxay ku amartay dhammaan shaqaalaha dowladda Mareykanka iyo qoysaskooda ku sugan Israa’iil inay "meel ku gabbaad ilaa amar dambe."

Safaaradda ayaa sheegtay in ay "xusuusinayso muwaadiniinta Mareykanka baahida joogtada ah ee taxadarka iyo kordhinta wacyiga amniga shakhsi ahaaneed.

Weerarka la tuhunsan yahay ee Iran ayaa yimid iyadoo ciidamada dhulka ee Israa’iil ay gudaha u galeen koonfurta Lubnaan, taasoo qeyb ka ah weerar ka dhan ah kooxda Xisbullah, oo ay taageerto Iran. Tirada ciidamada Israa’iil ee galay Lubnaan waa “boqolaal,” ayuu sarkaal Israa’iili ah u sheegay NBC News.

Israa’iil ayaa todobaadkii hore ku dishay magaalada Beirut ee dalka Lubnaan hoggaamiyihii ururka Xisbullah Xasan Nasrallah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Hoggaamiyeyaasha Muslimiinta ka Codsaday inay ku Biiraan "Heshiiskii Ibraahim" marka uu Dagaalka Iran Dhammaado

Saraakiisha ayaa sheegay in markii Trump uu soo jeediyay in waddamada aan weli aqoonsan Israa’iil ay ku biiraan Heshiiska Ibraahim.

  • Caalamka

    26-05-2026

  • 06:16PM

Mareykanka oo gantaalo ku garaacay Iran iyo Trump oo soo saaray digniin kulul

Weerarkan cusub ayaa yimid xilli uu jiro xabbad-joojin ay dhexdhexaadinayso dowladda Pakistan oo dhaqangashay tan iyo 8-dii April.

  • Caalamka

    26-05-2026

  • 11:34AM