Mareykanka iyo Israa’iil oo lagu eedeeyay inay buunbuuninayaan guulaha ay ka gaareen dagaalka Iran
LONDON – Xulafada muhiimka ah ee Mareykanka iyo Israa’iil ayaa shaki weyn ka muujiyay sheegashada labadaas dal ee ku aaddan baaxadda guulaha milteri ee ay ka gaareen Iran iyo inta uu qaadan karo dagaalkan socda.
Eedeymahan ayaa imaanaya xilli Madaxweyne Trump uu kordhiyay waqtiga kama dambaysta ah ee uu ugu hanjabay inuu ku garaaci doono xarumaha korontada ee Iran, haddii aan si buuxda loo furin marin-biyoodka muhiimka ah ee Strait of Hormuz.
Madaxweynaha ayaa bartiisa Truth Social ku sheegay inuu dib u dhigi doono weerarada ilaa dhammaadka toddobaadka, isagoo ku andacooday inuu guul ka gaaray wadahadallo uu la yeeshay Iran.
Dhankeeda, Iran waxay iska fogeysay inay jirtay wax xiriir toos ah oo dhex maray iyaga iyo Trump, waxayna ku eedeeyeen madaxweynaha inuu ka dib gurayo hanjabaaddiisa cabsi uu ka qabo aargudashada Iran ee gobolka Khaliijka.
Afar ilo-sirdoon oo ay wareysatay ITV News ayaa su’aal galiyay sheegashada Trump iyo Netanyahu ee ah in awooddii milteri ee Iran la burburiyay. Sirdoonka waddamada reer Galbeedka iyo kuwa Bariga Dhexe ayaa rumeysan in maamulka Trump uu buunbuuninayo khasaaraha Iran, isla markaana uu dhayalsanayo inta uu dagaalku jiitami karo.
Sida ay sheegeen ilo sirdoon oo reer Galbeed ah, in kasta oo awoodda gantaallada Iran la daciifiyay, haddana waxaa lagu qiyaasay in 50% awooddoodii gantaallada ay wali sideeda tahay. Sidoo kale, waxaa la rumeysan yahay inay gacanta ku hayaan kumanaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ah oo aan wali la taaban, awooddooda wax-soo-saar ee milterina aan la baabi'in.
Warbixinnadan ayaa si toos ah uga hor imaanaya hadalkii Ra’iisul Wasaare Netanyahu ee ahaa in Iran aysan maanta awood u lahayn inay sifeeyaan Yuraaniyamka ama ay soo saaraan gantaallada riddada dheer. Sidoo kale, waxay burinayaan hadalkii Xoghayaha Dagaalka ee Mareykanka, Pete Hegseth, ee ahaa in gabi ahaanba la burburiyay shirkadihii iyo kaabayaashii soo saari jiray gantaallada Iran.
Arrintan ayaa muujinaysa in caalamku uu wajahayo dagaal aad uga dheer midka ay Mareykanku qiranayaan, taas oo horseedi karta saameyn ba'an oo dhanka bini'aadantinimada iyo dhaqaalaha aduunka ah.
GAROWE ONLINE